Kitaabka Quduuska Ah

Luukos 9:18-34 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

18. Intuu keli ahaan u tukanayay, ayaa xertiisii la joogtay, markaasuu weyddiiyey isagoo leh, Dadkii badnaa yay igu sheegaan?

19. Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Yooxanaa Baabtiisaha; qaar kalena waxay yidhaahdeen, Eliyaas, qaarna waxay yidhaahdeen, Nebi nebiyadii hore ah oo soo sara kacay.

20. Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan? Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Masiixii Ilaah.

21. Laakiin wuu waaniyey oo wuxuu ku amray inaanay ninna waxaas u sheegin,

22. isagoo leh, Waxay waajib ugu tahay Wiilka Aadanahu inuu wax badan ku xanuunsado, oo ay waayeellada iyo wadaaddada sare iyo culimmadu diidaan, oo la dilo, oo maalinta saddexaad la sara kiciyo.

23. Markaasuu wuxuu kulligood ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha dayriyo doonistiisa, iskutallaabtiisana maalin walba ha soo qaato oo ha i soo raaco.

24. Waayo, kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, laakiin kan naftiisa u lumiya aawaday, kaasaa badbaadin doona.

25. Waayo, nin maxay u taraysaa hadduu dunida oo dhan helo oo uu islumiyo oo khasaaro?

26. Maxaa yeelay, ku alla kii ka xishooda aniga iyo ereygaygaba, Wiilka Aadanaha ayaa ka xishoon doona isaga, goortuu ku yimaado ammaantiisa iyo ammaanta Aabbihiis iyo tan malaa'igaha quduuska ah.

27. Laakiin run baan idiin sheegayaa, Kuwa halkan taagan qaarkood sinaba dhimasho uma dhadhamin doonaan ilaa ay arkaan boqortooyada Ilaah.

28. Abbaaraha siddeed maalmood hadalladan dabadood waxaa dhacay inuu waday Butros, iyo Yooxanaa, iyo Yacquub, oo buurtuu fuulay inuu ku tukado,

29. oo intuu tukanayay, araggii wejigiisa ayaa si kale noqday, dharkiisuna caddaan ayuu la dhalaalayay.

30. Oo bal eeg, laba nin ayaa la hadlayay isaga, waxayna ahaayeen Muuse iyo Eliyaas,

31. oo ammaan ku soo muuqday, oo waxay kala hadlayeen dhimashadiisa uu Yeruusaalem dhowaan ku dhammayn lahaa.

32. Laakiin Butros iyo kuwii la jiray ayaa hurdo la cuslaaday; oo goortay tooseen ayay arkeen ammaantiisa iyo labadii nin oo la taagan.

33. Kolkay ka tegayeen waxaa dhacay in Butros ku yidhi Ciise, Macallimow, waxaa inoo wanaagsan inaynu halkan joogno, haddaba saddex waab aannu ka dhisno, mid adaan ku dhisaynaa, midna Muuse, midna Eliyaas, waayo, ma uu garanaynin wuxuu leeyahay.

34. Intuu waxaas lahaa, waxaa timid daruur oo iyagay hadhaysay, wayna baqeen kolkay daruurtii galeen.