Kitaabka Quduuska Ah

Luukos 7:1-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Goortuu hadalladiisa ku dhammeeyey dadka dhegaysadkooda ayuu Kafarna'um galay.

2. Boqol-u-taliye addoonkiisii uu jeclaa ayaa bukay oo dhimashuu u dhowaa.

3. Goortuu maqlay wax Ciise ku saabsan, ayuu waayeelladii Yuhuudda u diray isaga, oo ka baryay inuu yimaado oo addoonkiisa bogsiiyo.

4. Goortay Ciise u yimaadeen, aad bay u baryeen oo ku yidhaahdeen, Isagu waa istaahilaa inaad waxaas u yeeshid,

5. waayo, quruunteenna ayuu jecel yahay, oo sunagog ayuu noo dhisay.

6. Markaasaa Ciise raacay, oo isagoo aan guriga ka fogayn, ayaa boqol-u-taliyihii saaxiibbo u soo diray oo ku yidhi, Sayidow, ha isdhibin, waayo, anigu ma istaahilo inaad saqafka gurigayga hoostiisa soo gashid.

7. Saas aawadeed uma aan malaynaynin inaan istaahilo inaan kuu imaado; laakiin hadal dheh, midiidinkayguna waa bogsan doonaa.

8. Waayo, anigu waxaan ahay nin laga sarreeyo, oo askar baa iga hoosaysa. Kan waxaan ku idhaahdaa, Tag, wuuna tagaa; mid kalena, Kaalay, wuuna yimaadaa; midiidinkaygana, Waxan samee, wuuna sameeyaa.

9. Goortuu Ciise taas maqlay, wuu ka yaabay, oo intuu dadkii la socday ku jeestay ayuu ku yidhi, Waxaan idinku leeyahay, Rumaysad sidaas u weyn oo kale reer binu Israa'iil kama dhex helin.