Kitaabka Quduuska Ah

Luukos 24:2-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

2. Oo waxay arkeen dhagixii oo xabaashii laga giringiriyey.

3. Markaasay galeen, laakiin kama ay helin meydkii Rabbi Ciise.

4. Waxaa dhacay, intay waxaas ka sii welwelsanaayeen, in laba nin oo dhar dhalaalaya sitaa ag taagnaayeen.

5. Dumarkii iyagoo cabsanaya ayay wejigooda hoos ugu foororiyeen dhulka. Markaasay ku yidhaahdeen iyaga, Maxaad kan nool uga dhex doondoonaysaan kuwii dhintay?

6. Isagu halkan ma joogo, laakiinse waa sara kacay. Xusuusta siduu idiinla hadlay intuu Galili weli joogay,

7. isagoo leh, Wiilka Aadanaha waa in loo gacangeliyo dembilayaasha, oo iskutallaabta lagu qodbo, oo maalinta saddexaad uu soo sara kaco.

8. Markaasay hadalladiisii xusuusteen.

9. Wayna ka soo noqdeen xabaashii, oo waxaas oo dhan ayay u sheegeen koob-iyo-tobankii iyo kuwii kale oo dhan.

10. Waxay ahaayeen Maryantii reer Magdala, iyo Yo'anna, iyo Maryan oo ahayd Yacquub hooyadii; dumarkii kalena oo la jiray ayaa waxaas rasuulladii u sheegay.

11. Hadalladaas waxay la noqdeen wax aan micne lahayn, wayna rumaysan waayeen.