Kitaabka Quduuska Ah

Luukos 23:16-27 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

16. Taas aawadeed waan edbinayaa oo sii daynayaa.

17. Waayo, waajib bay ahayd inuu iidda mid u sii daayo iyaga.

18. Markaasay wada qayliyeen, iyagoo leh, Wad kan, Baraabbas noo sii daa,

19. kan xabsiga loogu riday fallaagaduu magaalada ka riday iyo dilid aawadeed.

20. Mar kale Bilaatos ayaa iyaga la hadlay isagoo doonaya inuu Ciise sii daayo.

21. Laakiin way qayliyeen, iyagoo leh, Iskutallaabta ku qodob, iskutallaabta ku qodob.

22. Markaasuu wuxuu kolkii saddexaad ku yidhi, Waayo? Waa maxay sharka kanu sameeyey? Kuma aan helin sabab lagu dilo, taas aawadeed waan edbinayaa oo sii daynayaa.

23. Laakiin cod weyn ayay ku adkaysteen iyagoo weyddiisanaya in iskutallaabta lagu qodbo, oo waxaa xoog batay codadkoodii iyo codadkii wadaaddada sare.

24. Markaasaa Bilaatos wuxuu xukumay in loo yeelo waxay weyddiisteen.

25. Wuuna sii daayay kii fallaagada iyo dilidda xabsiga loogu riday oo ay weyddiisteen, laakiin Ciise buu u dhiibay iyaga siday doonayeen.

26. Kolkay wadeen, waxay qabteen Simoon reer Kuranaya ah isagoo beeraha ka soo socda, waxayna saareen iskutallaabtii inuu Ciise ka daba qaado.

27. Waxaana la socday dad badan iyo dumar laabta garaacaya oo barooranaya.