Kitaabka Quduuska Ah

Luukos 20:7-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Markaasay waxay ugu jawaabeen inaanay garan meeshuu ka yimid.

8. Ciisena wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.

9. Wuxuu bilaabay inuu masaalkan dadka kula hadlo. Nin baa wuxuu beertay beer canab ah, oo niman beerrey ah u kiraystay, markaasuu dal kale tegey, oo wax badan ku maqnaa.

10. Goortii xilligii yimid, ayuu addoon u soo diray beerreydii inay isaga siiyaan midhaha beerta, laakiin beerreydii ayaa garaacday oo waxla'aan ku dirtay.

11. Haddana wuxuu diray addoon kale, kaasna way garaaceen, oo ceebeeyeen, oo waxla'aan ku direen.

12. Haddana mid saddexaad ayuu diray, kaasna way dhaawaceen oo iska tuureen.