Kitaabka Quduuska Ah

Luukos 15:12-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. Kii yaraa ayaa aabbihii ku yidhi, Aabbow, waxaaga qaybtii aan heli lahaa i sii. Markaasuu iyaga u qaybiyey wuxuu ku noolaa.

13. Maalmo aan badnayn dabadeed wiilkii yaraa waa wada urursaday wax walbaba, oo dhul fog ayuu u safray, halkaas ayuuna wixiisii ku khasaariyey, isagoo iska tumaya.

14. Goortuu wada bixiyey dabadeed ayaa abaar daran dhulkaas ka dhacday, wuuna bilaabay inuu baahdo.

15. Goortaasuu tegey oo isku daray nin dadka dhulkaas ah, kan u diray beerihiisa inuu doofaarro daajiyo.

16. Wuxuu damcay inuu calooshiisa ka buuxiyo buunshihii doofaarradu ay cunayeen, ninnana waxba ma uu siin.

17. Goortuu isgartay ayuu yidhi, Intee baa kuwa aabbahay kiraystay haysata kibis ka badan in ku filan, aniguna macaluul baan halkan ugu bakhtiyayaa.

18. Waan kici oo aan aabbahay u tegi, oo waxaan ku odhan, Aabbow, waxaan ku dembaabay jannada iyo hortaadaba.

19. Kol dambe ma istaahilo in laygu yeedho wiilkaaga, ee iga dhig sida kuwa aad kiraysatay midkood oo kale.

20. Markaasuu kacay, oo wuxuu u yimid aabbihii, laakiin intuu weli ka fogaa ayaa aabbihiis arkay, waana u naxariistay, oo ku soo orday oo qoortuu iskaga duubay, oo dhunkaday.