Kitaabka Quduuska Ah

Luukos 11:21-28 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

21. Nin xoog leh oo hubaysan markuu ilaalinayo barxaddiisa, alaabtiisu waa nabad gelaysaa.

22. Laakiin mid ka xoog badan goortuu ku soo baxo oo ka adkaado, wuxuu ka qaadaa hubkiisii uu isku halleeyey, oo wuu qaybiyaa wuxuu ka dhacay.

23. Kan aan ila jirin waa iga gees, oo kan aan ila ururin waa firdhiyaa.

24. Jinniga wasakhda leh goortuu ninka ka baxo, wuxuu maraa meelo aan biyo lahayn, isagoo nasasho doonaya, oo markuu heli waayo, wuxuu yidhaahdaa, Waxaan ku noqonayaa gurigaygii aan ka baxay.

25. Oo goortuu yimaado wuxuu helaa isagoo xaaqan oo hagaagsan.

26. Markaasuu tagaa oo wuxuu wataa toddoba jinni oo kale oo ka xunxun isaga, wayna galaan oo halkaas joogaan. Ninkaas wakhtigiisa dambe ayaa ka darnaada wakhtiga hore.

27. Waxaa dhacay goortuu waxyaalahaas yidhi, in qof dumar ah oo dadka ka mid ah codkeeda kor u qaadday oo ku tidhi, Waxaa barakaysan uurka ku siday iyo naasihii aad nuugtay.

28. Laakiin wuxuu ku yidhi, Runtaa, laakiin waxaa barakaysan kuwa ereyga Ilaah maqla oo xajiya.