Kitaabka Quduuska Ah

Hoosheeca 6:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Ina keena aan Rabbiga ku noqonnee, waayo, isagaa ina dillacshay, oo isagaa ina bogsiin doona, isagaa wax inagu dhuftay, oo isagaa nabraheenna inoo duubi doona.

2. Laba maalmood dabadeed ayuu ina soo noolayn doonaa, oo maalinta saddexaadna wuu ina soo sara kicin doonaa, oo hortiisaynu ku noolaan doonnaa.

3. Oo aynu ogaanno, oo aynu dadaalno inaan Rabbiga ogaanno. Soobixitinkiisa sida subaxda baa loo hubaa, oo wuxuu inoogu iman doonaa sida roobka, sida roobka dambe oo dhulka biyeeya.

4. Reer Efrayimow, bal maxaan idinku sameeyaa? Dadka Yahuudahow, bal maxaan idinku sameeyaa? Waayo, wanaaggiinnu waa sida daruurta subaxnimo, iyo sida sayaxa aroor hore baabba'a.