Kitaabka Quduuska Ah

Falimaha Rasuullada 8:28-35 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

28. Kolkuu ka soo noqonayay, ayuu ku fadhiyey gaadhifaraskiisa, oo wuxuu akhriyeyey kitaabka nebi Isayos.

29. Ruuxuna wuxuu Filibos ku yidhi, Ku dhowow, oo gaadhigan raac.

30. Oo Filibos markuu ku orday, wuxuu maqlay isagoo akhriyaya kitaabka nebi Isayos, wuxuuna ku yidhi, Ma garanaysaa waxaad akhriyaysid?

31. Kolkaasuu yidhi, Sidee baan ku garan karaa in lay toosiyo mooyaane? Markaasuu Filibos ka baryay inuu soo fuulo oo la fadhiisto.

32. Haddaba meeshuu Qorniinka ka akhriyeyey waa tan, Isaga sidii wan la qalayo baa loo kaxeeyey; Oo sidii lax ku aamusan ninka dhogorta ka xiira hortiisa, Isagu afkiisa ma uu furo;

33. Intuu is-hoosaysiiyey baa gartiisii laga qaaday; Farcankiisii yaa sheegi doona? Maxaa yeelay, noloshiisa dhulkaa laga qaaday.

34. Bohonku wuxuu Filibos u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan kaa baryayaa, Nebigu yuu ka hadlayaa? Ma isaga qudhiisaa mise waa mid kale?

35. Filibos baa afkiisa furay, oo intuu Qorniinkan ka bilaabay ayuu isaga ku wacdiyey Ciise.