Kitaabka Quduuska Ah

Falimaha Rasuullada 5:16-24 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

16. Oo waxaa kaloo ku soo ururay dad badan oo ka yimid magaalooyinkii Yeruusaalem ku wareegsanaa, iyagoo wada dad buka iyo kuwo jinniyo wasakh lahu derdereen; oo kulligood waa la wada bogsiiyey.

17. Laakiin waxaa kacay wadaadkii sare iyo kuwii la socday oo dhan, kuwaas oo ka mid ahaa dariiqada Sadukiinta; markaasay iyagoo aad u xanaaqsan,

18. intay rasuulladii qabqabteen, xabsi ku rideen.

19. Laakiin malaa'igtii Rabbiga ayaa habeennimo albaabbadii xabsiga ka furtay, oo intay dibadda u soo saartay, ku tidhi,

20. Taga oo macbudka isdhex taaga, oo waxaad dadka kula hadashaan erayada oo dhan ee Noloshan.

21. Markay taas maqleen ayay, intay aroortii macbudkii galeen, dadkii wax bareen. Laakiin wadaadkii sare iyo kuwii la jiray ayaa yimid, oo waxay isugu yeedheen shirkii iyo duqowdii reer binu Israa'iil oo dhan, markaasay cid u direen xabsigii in kuwii xidhnaa laga keeno.

22. Laakiin saraakiishu markay xabsiga yimaadeen waa ka waayeen iyagii; markaasay shirkii ku noqdeen oo u warrameen,

23. oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaannu aragnay xabsigii oo aad u xidhan, oo nimankii ilaalinayayna albaabbada ka taagan yihiin; laakiin markaannu furnay, ninna waa ka waynay.

24. Haddaba markii sirkaalkii macbudka iyo wadaaddadii sare hadalladaas maqleen, waxay la fajaceen waxyaalahaasu waxay noqon doonaan.