Kitaabka Quduuska Ah

Falimaha Rasuullada 27:34-36 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

34. Haddaba waxaan idinka baryayaa inaad cunto qaadataan, waayo, taasu waa caafimaadkiinna aawadiis; maxaa yeelay, midkiinna tin keliyahu ka go'i maayo madaxiisa.

35. Oo markii uu saas yidhi, ayuu wuxuu soo qaatay kibis, oo dadkii oo dhan hortooda ayuu Ilaah ugu mahadnaqay, oo intuu kala jebiyey ayuu bilaabay inuu wax cuno.

36. Markaasay wada dhiirranaadeen dhammaantood, oo iyagiina wax bay cuneen.