Kitaabka Quduuska Ah

Falimaha Rasuullada 24:9-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

9. Oo Yuhuuddiina way ku darmadeen dacwadii iyagoo adkaynaya in waxyaalahaasu saas yihiin.

10. Oo markii taliyuhu u gacan haadiyey inuu hadlo, ayaa Bawlos u jawaabay oo wuxuu yidhi. Anigu waan ogahay inaad sannado badan quruuntan xaakin u ahayd, sababtaas daraaddeed anigoo aad u faraxsan ayaan isdaafacayaa.

11. Adigu waad ogaan karaysaa inayan laba iyo toban maalmood ka badnayn kolkii aan Yeruusaalem caabudidda u tegey.

12. Anigoo qof la doodaya ama dad badan kicinaya laygama helin ama macbudka ama sunagogyada ama magaalada.

13. Kuumana ay caddayn karaan waxyaalihii ay imminka igu dacwaynayaan.

14. Laakiin tan baan kuu qiranayaa, inaan Ilaaha awowayaashayo ugu adeego sida Jidka ay yidhaahdaan dariiqo bidcinimo ah, anigoo rumaysan waxyaalaha sharcigu leeyahay oo dhan iyo waxyaalaha lagu qoray kitaabbadii nebiyada.

15. Oo waxaan xagga Ilaah ka rajaynayaa waxyaalaha ay kuwan qudhooduba filanayaan, waana inay jiri doonto sarakicidda ay kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahayn soo sara kici doonaan.

16. Tan ayaan ku dadaalayaa inaan had iyo goorba qabo qalbi aan xumaan u keenin xagga Ilaah iyo xagga dadba.

17. Haddaba sannado badan dabadeed ayaan waxaan u imid inaan quruuntayda u keeno sadaqooyin iyo qurbaanno.

18. Markaan kuwaas keenayay ayay macbudka iga heleen, anigoo daahirsamay, oo aan dad badan la joogin, oo aan buuq ku jirin; laakiin waxaa joogay kuwo Yuhuud ah oo Aasiya ka yimid