Kitaabka Quduuska Ah

Falimaha Rasuullada 2:10-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. iyo Farugiya iyo Bamfuliya, iyo Masar iyo meelaha Liibiya oo Kuranaya ku wareegsan, iyo ajanabiyo Rooma ka yimid oo ah Yuhuud iyo kuwa raacsan labadaba,

11. iyo reer Kereetee iyo Carabta, waxaynu maqlaynaa iyagoo ku hadlaya afafkeenna oo ka hadlaya Ilaah waxyaalihiisa waaweyn.

12. Markaasay wada yaabeen oo shakiyeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Tani micneheedu waa maxay?

13. Qaar kalena waa ku qosleen oo waxay yidhaahdeen, Kuwan waxaa ka buuxa khamri cusub.

14. Laakiin Butros intuu koob-iyo-tobankii isla taagay, ayuu sare u qaaday codkiisa oo ku yidhi iyaga, Niman yahow reer Yahuudiya iyo dhammaantiinan Yeruusaalem degganow, tan ogaada oo hadalladayda dhegaysta.

15. Waayo, kuwanu ma sakhraansana sidaad u malaynaysaan inay sakhraansan yihiin; maxaa yeelay, tanu waa saacaddii saddexaad ee maalmeed.

16. Laakiin waxanu waa wixii lagaga dhex hadlay nebi Yoo'eel,