Kitaabka Quduuska Ah

Falimaha Rasuullada 13:49-52 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

49. Ereygii Rabbigana waxaa lagu faafiyey waddankii oo dhan.

50. Laakiin Yuhuuddu waxay soo kiciyeen dumarkii cibaadada iyo sharafta lahaa iyo raggii madaxda magaalada ahaa, silec bayna Bawlos iyo Barnabas ku kiciyeen, oo soohdintoodii bay ka eryeen iyagii.

51. Laakiin markay siigadii cagahooda ka dhabaandhabeen, dabadeed ayay waxay yimaadeen Ikoniyon.

52. Xertiina waxaa ka buuxsamay farxad iyo Ruuxa Quduuska ah.