Kitaabka Quduuska Ah

Falimaha Rasuullada 1:6-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Sidaas daraaddeed markay isu yimaadeen, ayay weyddiiyeen isaga oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbow, ma haddeer baad boqortooyada u soo celinaysaa Israa'iil?

7. Markaasuu iyaga ku yidhi, Dantiinna ma aha inaad ogaataan wakhtiyada iyo xilliyada uu Aabbuhu amarkiisa kaga dhigay.

8. Laakiinse waxaad heli doontaan xoog markii Ruuxa Quduuska ahi idinku soo dego; oo markhaatiyaal ayaad iiga noqon doontaan Yeruusaalem, iyo Yahuudiya oo dhan, iyo Samaariya, iyo meesha dunida ugu fog.

9. Oo kolkuu waxyaalahaas yidhi dabadeed, iyagoo eegaya, ayaa sare loo qaaday isagii, oo daruur baa indhahoodii ka qarisay.

10. Oo intuu sii socday, iyagoo samada aad u fiirinaya, ayaa waxaa isa soo ag taagay laba nin oo dhar cadcad qaba,

11. oo waxay ku yidhaahdeen, Nimankiinan reer Galiliyow, maxaad la taagan tihiin oo aad samada u eegaysaan? Ciisahan samada laydiinka sare qaaday, sidaad u aragteen isagoo samada u socda oo kale ayuu u iman doonaa.