Kitaabka Quduuska Ah

Falimaha Rasuullada 1:16-26 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

16. Walaalayaalow, waxaa waajib ahaa in Qorniinku noqdo, kaas oo Ruuxa Quduuska ahu waagii hore afka Daa'uud kaga hadlay waxa ku saabsan Yuudas oo ahaa kii waday kuwii qabtay Ciise.

17. Maxaa yeelay, isaga waa laynagu tirshay, oo shuqulkan ayuu qaybtiisii helay.

18. Haddaba ninkaasu meel ayuu ku iibsaday abaalgudka xaqdarradiis; oo intuu madax madax u dhacay ayuu dhexda ka kala dillaacay, oo mindhicirkiisii oo dhammuna waa ka soo daatay.

19. Kolkaasaa kuwii Yeruusaalem joogay oo dhammu ay wada ogaadeen; sidaas daraaddeed meeshaas waxaa afkooda loogu bixiyey Akeldama, taas oo micneheedu yahay, meeshii dhiigga.

20. Waayo, waxaa kitaabkii Sabuurrada lagu qoray, Gurigiisu cidla' ha noqdo, Ninnana yuusan meeshaas degin; iyo Wakiilnimadiisa mid kale ha qabto.

21. Haddaba nimankii inala socday wakhti kasta intuu Rabbi Ciise ina soo dhex galay, inagana dhex baxay,

22. oo ka bilaabmay baabtiiskii Yooxanaa ilaa maalintii sare laynooga qaaday isaga, iyagii midkood waa inuu markhaati ina gala ahaado sarakiciddiisa.

23. Markaasay laba iska soo saareen, kuwaas oo ahaa Yuusuf oo la odhan jiray Barsabaas ee naanaystiisu ahayd Yuustos, iyo Matiyas.

24. Kolkaasay tukadeen oo yidhaahdeen, Rabbow, adigoo garanaya qalbiga dadka oo dhan, na tus labadan kaad dooratay,

25. inuu galo meeshii shuqulkan iyo rasuulnimadan oo Yuudas ka dhacay inuu meeshiisa tago.

26. Markaasay u saami riteen; saamigiina wuxuu ku dhacay Matiyas; oo isagana waxaa lagu daray koob-iyo-tobankii rasuul.