Kitaabka Quduuska Ah

Daanyeel 8:14-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

14. Markaasuu igu yidhi, Ilaa laba kun iyo saddex boqol oo fiid iyo subax, dabadeedna meesha quduuska ah waa la nadiifin doonaa.

15. Oo markaan anigoo Daanyeel ah arkay riyadii ayaan doondoonay inaan garto, oo bal eeg, waxaa i soo hor istaagay wax nin u eg.

16. Oo nin codkiis ayaan ka dhex maqlay Webi Uulay wuuna dhawaaqay, oo yidhi, Jibriilow, ninkan riyada garansii.

17. Sidaas daraaddeed ayuu u soo dhowaaday meeshii aan taagnaa, oo markuu yimid waan baqay, wejigaanna u dhacay, laakiinse wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, garo, waayo, riyada waxaa leh wakhtiga ugudambaysta.

18. Oo intuu ila hadlayay ayaan hurdo aad u weyn la dhacay anigoo wejiga dhulka ku hayo, laakiinse isagii baa i taabtay oo i sara joojiyey.

19. Oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waxaan ku ogeysiinayaa waxa ahaan doona wakhtiga ugu dambaysta ee cadhada, waayo, waxaa leh wakhtiga la ballamay ee ugu dambaysta ah.

20. Wankii aad aragtay oo labada gees lahaa waa labada boqor ee dalka Maaday iyo dalka Faaris.

21. Orgigiina waa boqorka dalka Gariigta, oo geeskii weynaa oo labadiisa indhood dhexdooda ku yiilna waa boqorka kowaad.

22. Oo midkii ka jabay meeshii afartu soo istaagtay, quruuntaas waxaa ka soo bixi doonta afar boqortooyo, laakiinse xooggiisa ma yeelan doonaan.