Kitaabka Quduuska Ah

Boqorradii Kowaad 3:10-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Oo hadalkaasuna Sayidka wuu ka farxiyey markii Sulaymaan waxaas weyddiistay.

11. Markaasaa Ilaah wuxuu ku yidhi, Weyddiisashada aad waxaas i weyddiisatay aawadeed, oo aadan cimri dheer i weyddiisan, oo aadan maal i weyddiisan, ama xataa aadan i weyddiisan nolosha cadaawayaashaada, laakiinse aad i weyddiisatay waxgarasho aad ku garatid xukunka,

12. ayaan kuugu yeelay wixii aad i weyddiisatay, oo bal eeg, waxaan ku siiyey qalbi caqli iyo waxgarasho leh, sidaas daraaddeed mid kula mid ahu hortaa ma jirin, dabadaana mid kula mid ahu ma jiri doono.

13. Oo weliba wixii aadan i weyddiisanna waan ku siiyey oo ah maal iyo derejoba, sidaas daraaddeed boqor kula mid ahu ma jiri doono cimrigaaga oo dhan.