Kitaabka Quduuska Ah

Baxniintii 29:14-21 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

14. Laakiinse dibiga hilibkiisa iyo haraggiisa iyo uuskiisaba waxaad ku gubtaa xerada dibaddeeda; waayo, waa qurbaan dembi loo bixiyey.

15. Oo haddana waxaad qaaddaa wan; oo Haaruun iyo wiilashiisuna gacmaha ha dul saareen wanka madaxiisa.

16. Oo markaas waa inaad wanka gowracdaa, oo dhiiggiisa intaad qaadatid waxaad ku dul rushaysaa meesha allabariga.

17. Oo markaas waa inaad wanka kala googooysaa, oo waxaad maydhaa uurkujirtiisa iyo lugihiisa, oo meel la dhig googo'iisa iyo madaxiisaba.

18. Oo wanka oo dhan waa inaad ku dul gubtaa meesha allabariga, waayo, waa qurbaan Rabbiga loo gubo; oo waa caraf udgoon oo waa qurbaan dab loogu sameeyo Rabbiga.

19. Oo haddana waxaad qaaddaa wanka kale; oo Haaruun iyo wiilashiisuna gacmaha ha dul saareen wanka madaxiisa.

20. Oo markaas waa inaad wanka gowracdaa, oo dhiiggiisa intaad qaadatid waxaad marisaa dhegta midig oo Haaruun caaraddeeda, iyo dhegta midig oo wiilashiisa caaraddeeda, iyo suulka gacantooda midig, iyo suulka cagtooda midig, oo haddana waxaad dhiigga ku dul rushaysaa meesha allabariga.

21. Oo waxaad qaaddaa dhiigga meesha allabariga ku dul yaal, iyo saliidda lagu subkado, oo waxaad ku rushaysaa Haaruun, iyo dharkiisa, iyo wiilashiisa, iyo dharkii wiilashiisa isaga la jooga; oo waa in quduus laga dhigaa isaga, iyo dharkiisa, iyo wiilashiisa, iyo dharkii wiilashiisa isaga la jooga.