Kitaabka Quduuska Ah

Baxniintii 21:7-24 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Oo haddii nin gabadhiisa u iibiyo inay addoon noqoto, waa inaanay dibadda u bixin sida addoommada nimanka ahu ay u baxaan.

8. Oo haddaanay raalli gelin sayidkeedii doonay iyada, de markaas waa inuu sii daayo iyada, ha la madax furto, laakiinse amar uma lahaan doono inuu iyada dad qalaad ka iibiyo, waayo, khiyaano ayuu kula macaamilooday iyada.

9. Oo hadduu iyada wiilkiisa u guursho, de waa inuu iyada ula macaamiloodaa sida gabdhaha loola macaamiloodo.

10. Oo hadduu naag kale la guursado, waa inuusan inna ka dhimin masruufkeeda, iyo dharkeeda, iyo xaqa naagnimadeeda.

11. Oo hadduusan saddexdaas iyada u samayn, markaas lacagla'aan ha ku baxdo.

12. Kii nin wax ku dhufta si uu ninku u dhinto, isagana hubaal waa in la dilaa.

13. Oo haddii aanu gaadin, laakiinse Ilaah u dhiibo gacantiisa, de markaas anaa kuu samayn doona meel uu ku cararo.

14. Oo haddii nin kibir ula badheedho inuu deriskiisa khiyaano ku dilo, waa inaad isaga ka waddaa meeshayda allabariga, ha dhintee.

15. Oo kii aabbihiis ama hooyadiis wax ku dhufta, hubaal kaas waa in la dilaa.

16. Oo kii intuu nin xada iibiya ama gacantiisaba laga helo, hubaal kaas waa in la dilaa.

17. Oo kii aabbihiis ama hooyadiis caaya, hubaal kaas waa in la dilaa.

18. Oo haddii niman diriraan, oo midkood kan kale dhagax ama feedh ku dhufto, oo uusan dhiman, laakiinse uu sariir ku jiif noqdo;

19. kaasu hadduu mar kale sara kaco oo uu dibadda u baxo isagoo ushiisa ku tukubaya, markaas kii wax ku dhuftay eed ma leh, laakiinse waa inuu siiyaa wixii ka khasaaroobay intuu jiifay, waana inuu dhaqaaleeyo ilaa uu ka bogsado.

20. Haddii nin addoonkiisa ama addoontiisa uu ul ku dhufto, oo uu gacantiisa ku dhinto, kaas hubaal waa in la ciqaabaa.

21. Kan la dilayse hadduu maalin ama laba sii joogo, de markaas waa inaan la ciqaabin, waayo, isagu waa lacagtiisii.

22. Oo haddii niman diriraan oo ay wax yeelaan naag uur leh, oo uu ilmaheedu ka soo dhaco, laakiinse dhib kale aanu dhicin, kaas waa in lagu ganaaxaa intii ninkii naagta qabay uu kor saaro, oo waa inuu bixiyaa intii xaakinnadu ku xukumaan.

23. Laakiinse haddii dhib kale dhacdo, waa inaad naf naf u dishaa,

24. oo waa inaad il il u riddaa, iligna ilig u riddaa, gacanna gacan u gooysaa, cagna cag u gooysaa,