Kitaabka Quduuska Ah

Baroorashadii Yeremyaah 3:20-33 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

20. Naftaydu iyagay weli soo xusuusataa, oo ceeb bay la foororsatay.

21. Tan uun baan garwaaqsan ahay, sidaas daraaddeed rajaan leeyahay.

22. Rabbiga naxariistiisa aawadeed ayaan laynoo baabbi'in, maxaa yeelay, raxmaddiisu ma dhammaato.

23. Subax walba way cusub yihiin, daacadnimadaaduna way weyn tahay.

24. Naftaydu waxay tidhaahdaa, Rabbigu waa qaybtaydii, sidaas daraaddeed isagaan rajo ku qabi doonaa.

25. Rabbigu waa u roon yahay kuwa isaga rajo ku suga iyo naftii isaga doondoontaba.

26. Waxaa wanaagsan in badbaadinta Rabbiga rajo iyo aamusnaan lagu sugo.

27. Waxaa wanaagsan in nin harqoodka qaato intuu dhallinyar yahay.

28. Keligiis ha fadhiisto isagoo aamusan, maxaa yeelay, isagaa kor saaray.

29. Afkiisa ciidda ha daro, waxaa suurtowda inay rajo jirto.

30. Dhabankiisa ha u dhiibo mid dharbaaxa, oo cay ha ka dhergo.

31. Waayo, Sayidku ilaa weligiis ma uu sii tuuri doono.

32. Maxaa yeelay, inkastoo uu murugeeyo, haddana weli wuu ugu nixi doonaa naxariistiisa badnaanteeda aawadeed.

33. Waayo, isagu binu-aadmiga kas uma dhibo, umana murugeeyo.