Kitaabka Quduuska Ah

Baroorashadii Yeremyaah 3:11-29 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Jidadkaygii wuu iga leexiyey, oo cad cad buu ii kala jaray, cidla buuna iga dhigay.

12. Qaansadiisii wuu xootay, oo wuxuu iga dhigay goolibaadhkii fallaadha.

13. Isagu wuxuu ka dhigay fallaadhihii gabooyihiisu inay kelyahayga galaan.

14. Waxaan dadkaygii oo dhan u noqday wax la quudhsado, oo maalintii oo dhanna gabaygooda way igu halqabsadaan.

15. Wuxuu iga buuxiyey qadhaadh, dacar buuna igu dhergiyey.

16. Ilkahaygii dhagaxyo quruurux ah ayuu ku jejebiyey, oo dambas buu igu daboolay.

17. Naftaydii nabad waad ka fogaysay, oo barwaaqo iyo wanaag waan illoobay.

18. Waxaan is-idhi, Xooggaygii iyo rajadaydiiba xagga Rabbiga way ka baabbe'een.

19. Xusuuso dhibkaygii iyo wareeggaygii, iyo dacartii iyo xammeetidii.

20. Naftaydu iyagay weli soo xusuusataa, oo ceeb bay la foororsatay.

21. Tan uun baan garwaaqsan ahay, sidaas daraaddeed rajaan leeyahay.

22. Rabbiga naxariistiisa aawadeed ayaan laynoo baabbi'in, maxaa yeelay, raxmaddiisu ma dhammaato.

23. Subax walba way cusub yihiin, daacadnimadaaduna way weyn tahay.

24. Naftaydu waxay tidhaahdaa, Rabbigu waa qaybtaydii, sidaas daraaddeed isagaan rajo ku qabi doonaa.

25. Rabbigu waa u roon yahay kuwa isaga rajo ku suga iyo naftii isaga doondoontaba.

26. Waxaa wanaagsan in badbaadinta Rabbiga rajo iyo aamusnaan lagu sugo.

27. Waxaa wanaagsan in nin harqoodka qaato intuu dhallinyar yahay.

28. Keligiis ha fadhiisto isagoo aamusan, maxaa yeelay, isagaa kor saaray.

29. Afkiisa ciidda ha daro, waxaa suurtowda inay rajo jirto.