Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 31:20-27 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

20. Hadduusan uurka iiga ducayn, Amase hadduusan isku kululayn dhogorta idahayga,

21. Caawimaaddaydii oo aan iridda uga jeeday daraaddeed, Haddaan agoon gacantayda u qaaday,

22. Markaas garabkaygu ha kala fakado, Oo gacantayduna kalagooyska ha ka jabto.

23. Waayo, masiibo xag Ilaah ka timid ayaa i cabsiisay, Oo sarraysnaantiisa daraaddeedna anigu waxba ma aanan samayn karin.

24. Haddaan dahab rajo ka dhigtay, Oo aan dahabka saafiga ah ku idhi, Kalsoonidayda baad tahay,

25. Haddaan ku reyreeyey maalkayga badan daraaddiis, Iyo waxyaalaha badan oo gacantaydu heshay daraaddood,

26. Haddaan fiiriyey qorraxda oo dhalaalaysa, Ama dayaxa oo iftiin ku socda,

27. Oo markaas qalbigayga haddii qarsoodi loo sasabtay, Oo anoo caabudaya aan afkayga gacanta ugu dhunkaday,