Kitaabka Quduuska Ah

2 Butros 1:19-21 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

19. Oo waxaynu haysannaa hadalka nebiyadii sii sheegeen, oo aad loo sii xaqiijiyey, oo waad ku wanaagsan tihiin inaad u fiirsataan hadalkaas sida laambad meel gudcur ah ka ifaysa, ilaa waagu beryayo oo xiddigta waaberi qalbigiinna ka soo baxdo,

20. idinkoo taas horta garanaya in wixii nebiyadii sii sheegeen oo la qoray ayan lahayn micnayn gooni ah.

21. Waayo, wixii nebiyadii sii sheegeen weligood kuma ay iman dadka doonistiisa, laakiinse dad Ruuxa Quduuska ahu waday ayaa xagga Ilaah kaga hadlay.