21. Waxaan Ilaah iyo Ciise Masiix iyo malaa'igaha la doortay hortooda kugu waaninayaa inaad waxyaalahan ku dhawrtid eexashola'aan, oo aadan waxba samayn adoo dadka kala jeclaanaya.
22. Ninna gacmaha degdeg ha u saarin, dad kale dembiyadoodana ha ka qayb gelin. Nafsaddaada daahirsanaan ku dhawr.
23. Laakiinse hadda ka dib biyo oo keliya ha cabbin, illowse waxoogaa yar oo khamri ah u cab calooshaada iyo cudurradaada mararka badan kugu soo noqnoqda daraaddood.
24. Dadka qarkood dembiyadoodu waa bayaan, oo waxay u hor marayaan xukunka, dadka qaarkoodna kuwoodu way daba socdaan.