Kitaabka Quduuska Ah

Tiitos 3:12-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. Markaan kuu soo diro Artemaas ama Tukhikos aad ugu dadaal inaad iigu timaado Nikobolis, waayo, waxaan goostay inaan xilliga qabow meeshaas joogi doono.

13. Ku dadaal inaad Seenaas kan sharciga yaqaan iyo Abolloos soo ambabbixisid si ayan waxba ugu baahan.

14. Dadkeennuna ha barto inay shuqullo wanaagsan ugu dadaalaan caawimaadda loo baahan yahay, inayan kuwo aan midho lahayn noqonin.

15. Kuwa ila jooga oo dhammu way ku soo salaamayaan. Igu salaan kuwa iimaanka nagu jecel. Nimco ha idinla wada jirto.