Kitaabka Quduuska Ah

Tiitos 1:11-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Kuwaas afkooda waa in la xidho, maxaa yeelay, waa kuwa reero dhan gembiya iyagoo faa'iidada ceebta ah aawadeed u baraya waxyaalo aan waajib ahayn inay baraan.

12. Mid iyaga ka mid ahaa oo nebigoodii ahaa ayaa wuxuu yidhi, Reer Kereetee weligood waa beenaalayaal, iyo dugaag xun, iyo kuwo cir weyn oo caajisiin ah.

13. Markhaatigaasu waa run. Sababtaas aawadeed aad u canaano iyaga inay iimaanka si run ah ugu socdaan

14. iyagoo aan dhegaysanayn sheekooyinka Yuhuudda iyo amarrada dadka runta ka leexanaya.

15. Kuwa daahirka ah wax waluba waa u daahir, laakiin kuwa nijaasaysan oo aan rumaysadka lahayn waxba daahir uma aha, laakiinse kaskooda iyo niyadooduba waa nijaasoobeen.

16. Waxay afka ka qirtaan inay Ilaah yaqaaniin, laakiin camalladooday isaga kaga hor yimaadaan, iyagoo karaahiyo iyo caasiyiin ah, oo xagga shuqul wanaagsan oo dhan laga nacay.