Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 94:17-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

17. Rabbigu haddaanu i caawin, Hadda naftaydu waxay joogi lahayd meesha aamusnaanta.

18. Markaan idhi, Rabbiyow, cagtaydu waa simbiriirixanaysaa, Waxaa kor ii qaadday naxariistaada.

19. Kolkay fikirro badan igu dhex jiraan Waxaa naftayda ka farxiya qalbiqaboojintaada.

20. Carshiga sharnimadu ma xidhiidh buu kula yeelanayaa, Kaasoo belaayo qaynuun ku qabanqaabiya?

21. Waxay dhammaantood isu soo wada urursadaan kan xaqa ah naftiisa, Oo waxay xukumaan dhiig aan eed lahayn.

22. Laakiinse Rabbigu waxa weeye munaaraddayda, Ilaahayna waa dhagaxii magangalkayga.