Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 88:11-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Raxmaddaada miyaa qabriga lagu sheegayaa? Aaminnimadaadana miyaa halligaadda laga dhex sheegayaa?

12. Yaababkaaga miyaa gudcurka lagu ogaanayaa? Xaqnimadaadana ma waxaa lagu ogaanayaa dalka illoobidda?

13. Laakiinse Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, Oo baryootankayguna subaxduu hortaada imanayaa.

14. Rabbiyow, bal maxaad naftayda u xooraysaa? Oo bal maxaad wejigaaga iiga qarinaysaa?