Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 85:8-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Waan maqli doonaa waxa Ilaaha Rabbiga ahu ku hadlo, Waayo, nabad buu kula hadli doonaa dadkiisa iyo quduusiintiisa, Laakiin yaanay nacasnimo ku noqon.

9. Hubaal badbaadadiisu way u dhow dahay kuwa isaga ka cabsada, Si ay ammaanu dalkayaga u degganaato.

10. Naxariis iyo runu way isla kulmeen, Xaqnimo iyo nabaduna way isdhunkadeen.

11. Runtu waxay ka soo baxdaa dhulka, Xaqnimaduna waxay hoos ka soo fiirisaa samada.

12. Haah, Rabbigu wuxuu ina siin doonaa waxa wanaagsan, Oo dalkeennuna wuxuu soo bixin doonaa midhihiisa.

13. Hortiisa waxaa socon doonta xaqnimo, Oo waxay tallaabooyinkiisa ka dhigi doontaa jid la maro.