Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 85:1-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Rabbiyow, dalkaagii waad u roonaatay, Oo waxaad soo celisay maxaabiistii reer Yacquub.

2. Xumaantii dadkaagana waad cafiday, Oo dembigoodii oo dhanna waad qarisay. (Selaah)

3. Cadhadaadii oo dhan waad fogaysay, Oo waad ka soo noqotay kulaylkii xanaaqaaga.

4. Ilaaha Badbaadadayadow, na soo celi, Oo dhirifkaaga naga jooji.

5. Miyaad weligaaba noo cadhaysnaanaysaa? Oo xanaaqaaga miyaad sii dheeraynaysaa tan iyo ka ab ka ab?

6. Miyaanad mar dambe na soo noolaynayn, Si ay dadkaagu kuugu reyreeyaan?

7. Rabbiyow, naxariistaada na tus, Oo badbaadadaada na sii.