Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 73:1-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Hubaal Ilaah waa u roon yahay reer binu Israa'iil, Iyo xataa kuwa qalbigoodu daahirka yahay.

2. Laakiinse anigu waan turunturoon gaadhay, Oo tallaabooyinkayguna waxay u dhowaadeen inay simbiriirixdaan.

3. Waayo, waxaan ka hinaasay kuwa qabka weyn, Markaan arkay barwaaqada ay kuwa sharka lahu haystaan.

4. Waayo, geeridoodu xanuun ma leh, Laakiinse xooggoodu waa adag yahay.

5. Iyagu dhib kuma jiraan sida dadka kale, Oo sida dadka kalena uma belaayaysna.

6. Sidaas daraaddeed kibir wuxuu yahay sida silsilad qoorta u sudhan, Oo dulmi bay sida maro u huwan yihiin.

7. Indhahoodu baruur bay la bararsan yihiin, Oo waxay haystaan in ka sii badan waxa qalbigoodu doonayo.

8. Wax bay ku qoslaan, oo xumaan daraaddeed dulmi bay ku hadlaan, Waxay hadlaan iyagoo kor isu qaadaya.

9. Afkoodii waxay gaadhsiiyeen samooyinka, Oo carrabkooduna wuxuu dhex maraa dhulka oo dhan.

10. Sidaas daraaddeed dadkiisii halkanay ku soo noqdaan, Oo koob biyo ka buuxa ayay madhsadeen.

11. Oo waxay yidhaahdaan, Ilaah sidee buu wax u yaqaan? Kan ugu sarreeyana aqoonu ma ku jirtaa?

12. Bal eeg, kuwanu waa kuwa sharka leh, Oo mar kasta iyagoo istareexsan ayay hodantinimadoodu sii korodhaa.

13. Hubaal wax aan micne lahayn ayaan qalbigaygii ku nadiifshay, Oo aan ku faraxashay anigoo aan eed lahayn,

14. Waayo, maalintii oo dhan waa lay dhibayay, Oo subax kastana waa lay edbinayay.

15. Haddaan odhan lahaa, Sidaasaan ku hadli doonaa, Bal eeg, waan khiyaanayn lahaa farcanka carruurtaada.

16. Markaan ku fikiray si aan tan ku ogaado, Aad bay iigu xanuun badnayd,

17. Ilaa aan galay meesha quduuska ah ee Ilaah, Oo aan ka fiirsaday ugudambaystooda.