Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 63:1-3 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Ilaahow, waxaad tahay Ilaahay, oo anna goor hore ayaan ku doondooni doonaa, Naftaydu adigay kuu oomman tahay, jidhkayguna aduu kuu xiisoodaa, Anoo jooga dhul engegan oo daal miidhan ah oo aan biyo lahayn.

2. Si aan u arko xooggaaga iyo ammaantaadaba aawadeed, Ayaan kaa fiiriyey meesha quduuska ah.

3. Waayo, raxmaddaadu way ka sii wanaagsan tahay nolol, Haddaba bushimahaygu way ku ammaani doonaan.