Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 51:8-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. I maqashii farxad iyo rayrayn, Inay lafihii aad jejebisay farxaan.

9. Wejigaaga ka qari dembiyadayda, Oo iga tirtir xumaatooyinkayga oo dhan.

10. Ilaahow, igu dhex abuur qalbi nadiif ah, Oo igu dhex cusboonaysii ruux qumman.

11. Hortaada ha iga xoorin, Oo Ruuxaaga quduuska ah ha iga qaadin.

12. Farxaddii badbaadintaada ii soo celi, Oo ruux raalli ah igu tiiri.