Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 51:7-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Haddaba geed husob ah igu daahiri, oo anna nadiif baan ahaan doonaa, I maydh, oo anna baraf cad waan ka sii caddaan doonaa.

8. I maqashii farxad iyo rayrayn, Inay lafihii aad jejebisay farxaan.

9. Wejigaaga ka qari dembiyadayda, Oo iga tirtir xumaatooyinkayga oo dhan.

10. Ilaahow, igu dhex abuur qalbi nadiif ah, Oo igu dhex cusboonaysii ruux qumman.

11. Hortaada ha iga xoorin, Oo Ruuxaaga quduuska ah ha iga qaadin.

12. Farxaddii badbaadintaada ii soo celi, Oo ruux raalli ah igu tiiri.

13. Oo markaas kuwa xadgudba jidkaagaan bari doonaa, Oo dembilayaashuna adigay kuu soo noqon doonaan.