Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 49:1-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Dadyowga oo dhammow, bal tan maqla, Dunida kuwiinna degganow, kulligiin dhegta u dhiga,

2. Kuwiinna hoose iyo kuwiinna sare, Taajirrada iyo masaakiintoy, dhammaantiin wada maqla.

3. Afkaygu wuxuu ku hadli doonaa xigmad, Qalbigayguna wuxuu ka fikiri doonaa waxgarasho.

4. Dhegtayda waxaan u dhigi doonaa masaal, Xujadaydana waxaan ku muujin doonaa kataaradda.

5. Haddaba bal maxaan u cabsanayaa wakhtiga shar jiro, Markii xumaanu cedhbahayga ku wareegsanto?

6. Kuwa maalkooda isku halleeya, Oo ku faana hodantinimadooda faraha badan,

7. Midkoodna walaalkiis ma furan karo, Daraaddiisna Ilaah madaxfurasho uma siin karo,

8. (Waayo, furashada naftoodu waa qaali aad iyo aad, Kumana filna weligeedba,)