Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 47:3-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Isagu dadyowga wuxuu gelin doonaa hoosteenna, Quruumahana wuxuu ka hoos marin doonaa cagaheenna.

4. Isagu dhaxalkeenna ayuu inoo dooran doonaa, Kaasoo ah ammaanta Yacquub uu jecel yahay. (Selaah)

5. Ilaah qaylo buu la kacay, Oo wuxuu Rabbiguna la kacay dhawaaqa buunka.

6. Ilaah ammaan ugu heesa, ammaan ugu heesa, Ammaan ugu heesa Boqorkeenna, ammaan heesa.

7. Waayo, Ilaah waa dunida oo dhan Boqorkeeda, Haddaba sabuur ammaan ah ku heesa.

8. Ilaah wuxuu u taliyaa quruumaha, Ilaahna carshigiisa quduuska ah ayuu ku fadhiistaa.