Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 35:11-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Waxaa kaca markhaatiyaal xaqdarro ah, Oo waxay i weyddiiyaan waxyaalo aanan ogayn.

12. Wanaag xumaan bay iigaga abaalgudaan Oo naftayda way gacal tiraan.

13. Laakiinse markay bukeen, dharkaygu wuxuu ahaa joonyado, Oo naftaydana soon baan ku dhibay, Oo tukashadayduna laabtayday ku soo noqotay.

14. Anigu waxaan u qaatay sidii isagoo ah saaxiibkay ama walaalkay, Oo waxaan la foororsaday baroorasho sida mid hooyadiis u baroorta.

15. Laakiinse anigu markaan turunturooday ayay reyreeyeen, oo way isa soo wada urursadeen, Oo waxmatarayaashii ayaa dhammaantood ii wada shiray, oo anna ma aan ogayn innaba, Way i dildillaacsadeen oo imana ay dayn.

16. Sida labawejiilayaashu diyaafado uga dhex majaajiloodaan Ayay igu ilko jirriqsadeen.

17. Sayidow, ilaa goormaad sii fiirinaysaa? Naftayda halligaaddooda ka badbaadi, Noloshaydana libaaxyada ka badbaadi.

18. Waxaan kaaga mahadnaqi doonaa shirka weyn dhexdiisa, Oo dad fara badan dhexdooda ayaan kugu ammaani doonaa.