Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 34:13-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

13. Carrabkaaga shar ka jooji, Bushimahaagana inay khiyaano ku hadlaan ka ilaali.

14. Shar ka leexo, oo wanaag samee, Nabad doondoon, oo raacdayso iyada.

15. Rabbiga indhihiisu waxay fiiriyaan kuwa xaqa ah, Oo dhegihiisuna waxay u furan yihiin baryadooda.

16. Wejiga Rabbigu waa ka gees kuwa sharka sameeya Inuu iyaga xusuustooda dhulka ka baabbi'iyo.

17. Kuwa xaqa ahu way qayshadeen, oo Rabbigaa maqlay, Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyey dhibaatooyinkoodii oo dhan.

18. Rabbigu waa u dhow yahay kuwa dembigooda ka caloolyaysan, Oo kuwa ruuxoodu qoomamaysan yahayna wuu badbaadiyaa.

19. Kan xaqa ah dhibaatooyinkiisu way tiro badan yihiin, Laakiinse Rabbigu waa ka samatabbixiyaa dhammaantoodba.