Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 33:20-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

20. Nafteennu waxay sugtay Rabbiga, Waayo, isagu wuxuu inoo yahay caawimaad iyo gaashaan.

21. Haddaba qalbigeennu isaguu ku rayrayn doonaa, Maxaa yeelay, innagu waxaynu isku halleeynay magiciisa quduuska ah.

22. Rabbiyow, naxariistaadu ha noogu soo degto, Sidii aannu kaa rajaynay.