Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 25:9-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

9. Kuwa camalka qabow wuxuu ku hanuunin doonaa xaqa, Oo kuwa camalka qabow wuxuu bari doonaa jidkiisa.

10. Rabbiga waddooyinkiisa oo dhammu waxay raxmad iyo run u yihiin Kuwa axdigiisa iyo markhaatifurkiisa xajiya.

11. Rabbiyow, dembigayga iga cafi magacaaga daraaddiis, Waayo, aad buu u weyn yahay.

12. Bal waa ayo ninka Rabbiga ka cabsadaa? Kaas wuxuu ku hanuunin doonaa jidkii uu isagu doorto.

13. Naftiisu wanaag bay ku jiri doontaa, Oo farcankiisuna wuxuu dhaxli doonaa dalka.

14. Rabbiga taladiisa qarsoon waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada, Oo wuxuu iyaga tusi doonaa axdigiisa.

15. Weligayba indhahaygu waxay u jeedaan xagga Rabbiga, Waayo, wuxuu cagahayga ka bixin doonaa dabinka.

16. Bal xaggayga u soo jeeso, oo ii naxariiso, Waayo, waan cidloobay, oo dhib baa i haysa.