Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 25:16-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

16. Bal xaggayga u soo jeeso, oo ii naxariiso, Waayo, waan cidloobay, oo dhib baa i haysa.

17. Dhibaatooyinka qalbigaygu way sii ballaadheen, Cidhiidhigayga iga bixi.

18. Bal fiiri dhibkayga iyo qaxarkayga, Oo dembiyadayda oo dhan iga cafi.

19. Bal fiiri cadaawayaashayda, waayo, way badan yihiin, Oo waxay igu neceb yihiin nacayb dulmi miidhan ah.