Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 148:11-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Boqorrada dhulka iyo dadyowga oo dhammow, Amiirrada iyo xaakinnada dhulka oo dhammow,

12. Barbaar iyo hablow, Odayaal iyo carruuray,

13. Ha ammaaneen magaca Rabbiga, Waayo, magiciisa oo keliya ayaa la sarraysiiyaa, Ammaantiisu dhulka iyo cirkaba way ka korraysaa.