Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 148:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Rabbiga ammaana. Rabbiga samooyinka ka ammaana, Meelaha sarsarena ka ammaana.

2. Malaa'igihiisa oo dhammow, ammaana isaga, Ciidankiisa oo dhammow, ammaana isaga.

3. Qorraxda iyo dayaxow, ammaana isaga, Xiddigaha iftiinka oo dhammow, ammaana isaga.

4. Ammaana isaga, samooyinka samooyinkow, Iyo biyaha samooyinka ka sarreeyow.