Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 147:6-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa camalka qabow, Oo kuwa sharka lehna dhulkuu ku soo tuuraa.

7. Rabbiga mahadnaqid ugu gabya, Oo kataaradda ammaan ugu gabya Ilaaheenna,

8. Kaasoo samada daruuro ku qariya, Oo dhulka roob u diyaarsha, Buurahana doog ka soo bixiya.

9. Wuxuu quud siiyaa xayawaanka, Iyo tukayaasha yaryar markay qayliyaanba.

10. Isagu kuma farxo xoogga faraska, Oo kuma reyreeyo lugaha dadka.

11. Rabbigu wuxuu ku reyreeyaa kuwa isaga ka cabsada, Iyo kuwa naxariistiisa rajada ka qaba.

12. Yeruusaalemay, Rabbiga ammaan, Siyoonay, Ilaahaaga ammaan.

13. Waayo, wuxuu xoogeeyey qataarrada irdahaaga, Carruurtaadana wuu kugu dhex barakeeyey.