Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 136:18-25 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

18. Oo laayay boqorro caan ah, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

19. Kuwaas oo ahaa Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

20. Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

21. Oo dalkoodiina u bixiyey dhaxal ahaan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

22. Kaasoo ahaa dhaxalkii uu siiyey addoonkiisii Israa'iil, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

23. Kan ina soo xusuustay markaan gunta ahayn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

24. Oo inaga soo samatabbixiyey cadaawayaasheennii, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

25. Kan cunto siiya wax kastoo jidh leh, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.