Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 121:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Buurahaan indhahayga ku taagi doonaa, Caawimaaddaydu xaggee bay ka iman doontaa?

2. Caawimaaddaydu waxay ka timaadaa Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka.

3. Isagu uma oggolaan doono in cagtaada la dhaqaajiyo, Kan ku dhawraa ma gam'i doono.

4. Bal eeg, kan reer binu Israa'iil dhawraa Ma gam'i doono, mana seexan doono.

5. Kan ku dhawraa waa Rabbiga, Rabbigu waa hooskaaga midigtaada taagan.

6. Qorraxdu maalinta waxba kuma yeeli doonto. Habeenkana dayaxu waxba kuma yeeli doono.