Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 119:91-98 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

91. Maantadan waxay u joogaan si qaynuunnadaada waafaqsan, Waayo, wax waluba waa addoommadaada.

92. Haddaanu sharcigaagu iga farxin, Waxaan kol hore ku halligmi lahaa dhibaatadii i haysatay.

93. Weligay amarradaada ma aan illoobi doono, Waayo, iyagaad igu soo noolaysay.

94. Anigu waxaan ahay kaaga, haddaba i badbaadi, Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.

95. Kuwa sharka lahu way ii sugeen inay i baabbi'iyaan, Aniguse waxaan ka fiirsan doonaa markhaatifurkaaga.

96. Waxaan arkay in wax kasta oo kaamil ah ay dhammaad leeyihiin, Amarkaaguse aad buu u ballaadhan yahay.

97. Aad baan sharcigaaga u jeclahay! Maalinta oo dhan isagaan u fiirsadaa.

98. Amarradaadu waxay iga dhigaan ku ka sii caqli badan cadaawayaashayda. Waayo, weligayba way ila jiraan.