Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 119:79-87 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

79. Kuwa kaa cabsadaa ha ii soo noqdeen, Oo waxay ogaan doonaan markhaatifurkaaga.

80. Qalbigaygu qaynuunnadaada ha ku qummanaado, Si aanan u ceeboobin.

81. Naftaydu waa u taag darnaataa badbaadintaada aan u xiisoodo aawadeed, Laakiinse eraygaagaan rajo ku qabaa.

82. Sidii aan u lahaa, Goormaad i qalbi qaboojinaysaa? Ayaa indhahaygu u gudheen eraygaaga aawadiis.

83. Waayo, waxaan noqday sidii sibraar qiiq ku dhex jiro, Laakiinse innaba qaynuunnadaada ma aan illoobo.

84. Anoo addoonkaaga ah cimrigaygu waa intee? Oo goormaad xukun ku soo dejinaysaa kuwa i silciya?

85. Kuwa kibirka leh oo aan sharcigaaga waafaqsanayn Ayaa ii qoday godad.

86. Amarradaada oo dhammu waa wada daacad, Si gardarro ah ayay ii silciyaan, haddaba i caawi,

87. Dhulka ayay iga baabbi'in gaadheen, Aniguse kama aan tegin amarradaadii.