Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 119:44-52 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

44. Markaasaan had iyo goorba dhawri doonaa sharcigaaga Weligay iyo weligayba.

45. Oo waxaan ku socon doonaa xorriyad, Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.

46. Oo weliba waxaan markhaatifurkaaga ka sheegi doonaa boqorro hortooda, Mana ceeboobi doono.

47. Oo waxaan ku farxi doonaa amarradaada Aan jeclaaday.

48. Oo weliba waxaan gacmaha u hoorsan doonaa amarradaada aan jeclaaday, Oo aad baan ugu fiirsan doonaa qaynuunnadaada.

49. Xusuuso eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay, Oo aad igu rajo gelisay.

50. Oo taasu waa i qalbi qaboojisaa markii aan dhibaataysnahay, Waayo, eraygaagaa i soo nooleeyey.

51. Kuwa kibirsan aad bay iigu qosleen, Laakiinse sharcigaaga kama aan leexan.

52. Rabbiyow, tan iyo mar hore waxaan soo xusuusnaa xukummadaada, Waanan isqalbi qaboojiyey.